
Afhayeenka ma uusan sheegin tirada rasmiga ah oo ay kaxeysteen Al shabaab balse ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan marka ay soo dhammeeyaan baarista ay wadaan Wafdiga ay usoo direen Muqdisho.
Madaxweynaha Uganda ayaa isna sheegay dhankiisa in Askartiisa aysan weli ku laaban Saldhigoodii Buula-mareer ayna halkaasi ku sugnaayeen markii hore Unug dhan 251 Askari.
Mussaveni ayaa eedeen culus u jeediyay Askartiisa qaar kamid ah kaddib markii ay gudan waayeen waajibaadkooda buu yiri taasina ay sababtay in Saldhigga Cagta la mariyo.
Intaasi waxa uu ku daray in Saldhigga la weeraray ay yaalleen Laba Taangi, qoryo waa weyn oo liddiga diyaaradaha ahaa iyo Bmyo balse ay Shabaab ka shalaayi doonaan weerarkii ay ku qaadeen Xerada Buula-mareer.