Doorka muuqda iyo muhiimadda istiraatijiyadeed ee Turkiga ee caalamiga ah – oo si weyn kor ugu kacayday ka dib dagaalkii Ukrain sida hoggaamiyeyaasha adduunku ugusoo kala baratameen si ay ugu hambalyeeyan Recep Tayyip Erdogan guushiisa doorashada ee habeenkii Axadda.
Waxaa liiskaas hor kacaya Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
Waxa uu aad ugu heellanaa in uu u hambalyeeyo dhiggiisa Turkiga iyo hogaamiyaya sidiisa “adag” isaga oo aan xitaa sugin natiijada rasmiga ah ee codbixinta, kuna tilmaamay “siyaasadda dibadda ee madaxa bannaan ee Mr Erdogan” in ay sabab u ahayd guushiisa.
Waxaan si taxadar leh u eegi karnaa siyaasadda Turkiga ee Ruushka iyo sida gaarka ah ee uu ugu heellanyahay inay sabab u tahay diidmadii Mr Erdogan ee ahayd in uu iska fogeeyo Kremlin-ka kadib markii uu si buuxda u weeraray Ukraine, xitaa iyadoo xulafada Turkiga ee Nato ay cunaqabatayn ku soo rogeen oo ay yareeyeen ku tiirsanaanta tamarta ee Ruushka.
Ganacsiga u dhexeeya Turkiga iyo Ruushka ayaa sidoo kale si aad ah u kordhay tan iyo billowgii dagaalka Ukraine.
Hase yeeshee waxaa iyadana diirranayd marka lagasoo tago hambalyada Mr Putin ee Axadii tan kale ee Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron.
In kasta oo aanay jeclayn in Mr Erdogan uu dabacsanaado Kremlin-ka iyo dulduleelka xoriyatul qawlka iyo hab-dhaqanka dimuqraadiga ah ee uu dalkiisa ku sameeyay labaatankii sano ee uu xukunka hayay, Turkiga ayaa muhiim u ah iyaga maadaama ay adag tahay oo aan la saadaalin karin xulafada reer galbeedka.
Turkiga ayaa xubin muhiim ah ka ah isbaheysiga militari ee Nato, isagoo ka qeyb qaadanaya dhammaan howlgalladiisa.
Mr Erdogan ayaa laga yaabaa inuu sii wado xiriirka dhow oo uu la leeyahay Ruushka hase yeeshee dhinaca kale waxa uu gargaar militari siiyaa Ukraine.
Waxa uu si cad u dhexdhexaadiyay heshiis uu Ruushku ku soo afjaray xannibaaddii uu ku hayay sahayda haruurka ama qamadiga ee Ukraine, taasoo u oggolaanaysa inay u qulqulaan qaybo ka mid ah adduunka oo iyagu ku tiirsan raashinkan.
sidoo kale waxa uu Erdogan si rasmi ah ugu fasaxay dalka dariska la’ah Ruushka ee Finland in uu ku biiro gaashaanbuurta Nato.
Mr Erdogan oomar ahaan jiray nin si xamaasad leh ugu ololeeya in Turkigu ku biiro Midowga Yurub, ayaa dhowaanahan ka hadlayay “in Turkiga mar kale laga dhigo quwad weyn”.
taasi waxa ay keentay in la yeesho siyaasad dibadeed oo madax bannaan. Sanadihii la soo dhaafay, waxa uu la sameeyay xiriir ganacsi oo heer sare ah dhammaan xulafadiisa.
Aqalka Cad ma qarinin dulqaad la’aanta uu ku doonayo inuu ku qanciyo Mr Erdogan inuu sidoo kale u oggolaado Sweden in ay kusoo biirto Nato.
Sweden ayaa haddii ay kusoo biiri lahayd xulafadan ka dhanka ah Ruushka waxa ay u noqon lahayd dayr, kaga daboolan dhanka badda baltic-ga.
Reer Galbeedku waxa ay rajaynayaan in xaaladda xun ee dhaqaalaha Turkiga iyo suurtagalnimada in Mr Erdogan uu xoogga saaro xasilinta dhaqaalaha iyo soo jiidashada maalgashiga shisheeye, ay noqon karto meel uu ka nugul yahay si loogu riixo in uu ogalaado ku biirista Nato ee Sweden.
Turkiga iyo Hungary ayaa ah dalalka kaliya ee gaashaanbuurta Nato ka tirsan ee weli hortaagan xubinnimada Stockholm.
Dhanka kale, Madaxweyne Macron, waxa uu ka walaacsan yahay muhaajiriinta kusoo qulqulaya Midowga Yurub, waxaana uu rajeynayaa inuu ballan qaad degdeg ah ka helo madaxweyne Erdogan.
