War kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu yir Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ugu hambalyeeyay guusha weyn ee ay ka gaareen weerar ay kooxda argagaxisada Al-Shabaab kusoo qaadeen magaalada Masagwaay ee Gobolka Galgaduud waabbarigii saaka.
Madaxweynaha ayaa ku ammaanay sida foojintaan leh ee ay u maareeyeen weerarka uga yimid argagxisada, isagoo ugu baaqay in la joogteeyo.
Madaxweynaha ayaa yiri “ Waxaan ciidanka xoogga dalka, kuwa deegaanka iyo dhammaan bulshada reer Galmudug oo iskaashanaya ugu hambalyeynayaa sida ay u fashiliyeen weerarkii argagaxisada, waxaanan ku ammaanayaa foojignaanta dheeriga ah ee ay ciidanku muujiyeen.
