Maanta Bishu Tahay 31/05/2023, waxaa si rasmi ah uga bilaabantay Gobolada Awdal, Saaxil iyo Sanaag Kaadh qaadashada muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo ay kaga qayb galayaan Doorashooyinka soo socda.
Guud ahaan nidaamka Kaadh qaybinta ee ay maamulayaan ama Hogaaminayaan Guddida Doorashooyinka Qaranka ayaa ku socota ama bilaamantay si nabadgelyo iyo habsami socod aan dib u dhac-lahayn, iyadoo Ciidamada kala duwan ee amniga ay sugayaan nabadgelada guud iyo ta goobaha Kaadh qaybintaba.
Waxay shacabka ku boorinaysaa Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, in ay qaataan kaadhka codbixinta, taasoo ah xuquuq ay leeyihiin muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana waajiba in aad ilaalisaan nidaamka, kala danbaynta, idinka oo la shaqaynaya Ciidamada amniga iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka.