soomaliya oo magacaabay Guddiga qaban-qaabada maalmaha xorriyadda dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo garowsan qiimaha iyo mudnaanta ay leedahay sanad guurada 63—aad ee Gobannimada, Midnimada iyo dhalashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxa uu magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Xuska Sanad guurada 63-aad ee maalmaha xorriyadda oo ka kooban siddeed Wasiir iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.