Dableyda Al-Shabaab aya wali ka dhex-dagaalamaysa maqaayada iyo hotel-ka Pearl Beach

Dableyda Al-Shabaab aya wali ka dhex-dagaalamaysa maqaayada iyo hotel-ka Pearl Beach ee xeebta Liido ee Muqdisho. Ciidamadda Soomaaliya ayaa ku howlan sidii ay usoo afjari lahaayeen dagaalameyaasha oo tiradooda lagu sheegay illaa saddex maleyshiyaad ah.

Muuqaaladii ugu dambeeyay ee laga helay goobta ay wax ka dhaceen ayaa muujinaya gaadiidka gurmadka degdega oo taagan banaanka si ay usoo daabulaan dhaawacyadda. Illaa haatan, si dhan ah looma tirokoobin khasaaraha guud ee ka dhashay weerarkan bilowday fiidnimadii Jimcaha.