Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay magacyada shan is-miidaamiye ee dhawaan weeraray saldhiga Buulo-Mareer ee ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda.
Muuqaal ay baahisay kooxda ayaa waxaa kasoo dhex muuqday maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee fuliyay weerarkaasi, kaasi oo askar badan looga laayay ciidamada Uganda.
Maleeshiyaadkan ayaa waxaa khudbad u jeedinaya Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeyda, kaasi oo kasoo dhex muuqday muuqaalka ay baahisay kooxda, islamarkaana wajigiisa qarisay kooxda sida ay hore u sameysay.