Dood cilmiyeed ku saabsan doorka Waxbarashadu ku leedahay nabadda oo Dhuusamareeb lagu qabtay.

Dood Cilmiyeedkan oo looga hadlayay doorka waxbarashadu ka qaadan karto horumarinta nabadda oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb waxaa soo qaban qabaisay xarunta aragti wadaagga Horn Center. Dooddan waxaa ka qayb-galayay Wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada Galmudug Maxamed Maxamud Elmi ”Tuur-bire”, Prof. Axmad Salaad Kulmiye oo kamid ah aqoonyahanna Dhuusamareeb ku nool iyo Saynab Axmad Faarax oo ka tirsan Ururrada Bulshada Rayid Galmudug.

Martida doodda ayaa waxaa ay si faahfaahsan u lafa gureen mowduuca waxaana ay sheegeen iyo aqoonta iyo waxbarashadu yihiin tiirar muhiim u ah wacyiga bulshad si nabadda looga shaqeeyo.