Madaxweynaha dowlada federalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa beri u baxayo safar dibadeed, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah oo aad ugu dhow dhow Villa Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa lagu soo warramayaa inuu kusii jeedo dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, ayada oo lagu wado inuu kaga qaybgalo shir madaxeedka waddamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD oo ka dhacaya gudaha dalkaasm waana meertada 14-aa ee Ururka.
Xasan Sheekh ayaa waxaa socdaalkan ku wehlin doono qaar kamid ah la-taliyeyaashiisa sar sare iyo xubno kamid ah golaha wasiirada oo qayb ah safarka dalka Jabuuti.
Wararka ayaa sheegay in shirka IGAD oo furmaya Isniinta 12-ka June 2023 looga hadli doono xaaladaha ka taagan gobolka iyo sidii xal loogu heli lahaa dagaalka ka socda Sudan.
Sidoo kale waxaa la filayaa in shirka lagu soo qaado arrimo ku aadan Soomaaliya, gaar ahaan taageerida howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda dalka.
Madaxweynaha Xasan ayaa khudbad ka jeedin doono meertada 14-aad ee IGAD, isaga oo ka hadli doono xaaladaha taagan, si uu taladiisa ugu biiriyo qodobada laga wada doodayo.