kulan Soo dhawayn ah oo ay u sameeyaan shaqaaladda Wasaaradda Caafimaadka asiirka Cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshadda ayaa maanta ka qayb galay kulan Soo dhawayn ah oo ay u sameeyaan shaqaaladda Wasaaradda Caafimaadka.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Daahir Fiidow, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dr Abdiweli ,Agaasime waaxeedyada Iyo dhamaan shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka Iyo daryeelka Bulshadda.

Wasiirka ayaa shaqaalaha ka dhagaystay warbixino kala duwan oo ku saabsan horumarinta iyo adeegyadda ay Bulshada u hayso Wasaaradu.

Ugu dambayn Dr Yasin Abdi Jama Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshadda ayaa u mahadceliyay shaqaalaha Wasaaradda adeegayadda kala duwan ee ay bulshadda Galmudug u hayaan ayna lagama maarmaan tahay in ay sii labo jibaaraan.