Ergeyga Xogayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaadatay Safiirka dalka Imaaraadka.

Ergeyga Xogayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan hordhac ah kula qaadatay Safiirka dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta Ahmed Juma Al-Rumaythi. Waxyaabaha ay ka wadahadleen waxaa ka mid ahaa taageero dhaqaale iyo mid bini’aadantinimo oo loo fidiyo Soomaaliya, ka hor warbixinteeda soo socota ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey , kaasoo Imaaraadku uu hayo xilka madaxtinimada bisha Juun.