Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Qoor qoor oo xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dhuusamareeeb.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye  oo uu wehliyo agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Hay’adda ee Dhuusamarreeb, taasoo noqon doonta mid laga maamulo xarummo kala duwan oo ku yaalla deeggaannada Dowladda Galmudug.
Munaasabada waxa kasoo qeyb galay qaar ka mid ah Xildhibaanada ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka FS, Qaar ka mid ah labada Gole ee Galmudug, Maamulka Gobolka Galgaduud, Maamulka Caasimada, Saraakiil Ciidan iyo Marti sharaf kala duwan oo lagu casuumay Munaasabada Xarig jarka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in xafiiskaan uu muhiimad weyn u leeyahay dadka reer Galmudug, ayna dadaal badan u galeen sidii dadku iyagoo magaalooyinkooda jooga ay u heli lahaayeen adeegga ay bixiso Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.