Maxaad ka taqaanaa magaalada aysan dowladda iyo al-shabaab toona maamulin ee ku Taalo Gobolka Hiiraan?

Deegaanka Teedaan oo kamid ah magaalooyinka ku yaalla bariga gobolka Hiiraan ee laga saaray al-shabaab 10 bilood kahor ayaan wali laga hirgalin adeegyada dawladdu bixiso sida amniga, maxkamadaha, caafimaadka iyo waxbarashada.

Odayaasha deegaanka oo kaashanaya maleeshiyooyinka macawisleyda loo yaqaanno ee dagaalka kala hor yimid al-Shabaab ayaa nidaam maxalli ah u sameeyay magaalada, iyagoo ka shaqeeya aminga iyo xal u helidda murannada dhex mara dadka deegaanka kuwada nool.

Teedaan waxay qiyaastii 65 km galbeed uga beegan tahay degmada Maxaas. Guddoomiyaha magaaladaasi Gabaxeey Axmed Nuur ayaa ka waramay sida Teedaan loogu nool yahay dowlad la’aan.

“Teedaan marxalado badan ayay soo martay iyo dagaallo iyo dhibaato laakiin hadda xagga amniga aad ayuu u wanaagsan yahay,” ayuu yiri gudoomiye Gabaxeey Axmed Nuur.

Sidee ayay 10 bilood dadka deegaanka keliya u xukumayeen Teedaan oo al-Shabaab laga saaray?
“Teedaan maaddaama aan annaga iska leennahay cadowgiina aan ka saarnay mas’uuliyadda na saaran ayaa ah inaan difaacno amnigeeda ka shaqeyno, hagaajinno waana ku qasbannahay.

Midda kale ee ah xagga hormarinta iyo amnigii kale waxaa la weydiin karaa maamullada oo aan jirin wax dhankooda naga soo gaaray,” ayuu guddoomiye Gabaxeey Axmed Nuur  sheegay.

“Magaalada waxaa mara waddada weyn ee ilaa gobollada dhexe, Boosaaso ilaa Mudisho. Teedaan waxaa toddobaadkii mara ilaa 150 gaari kuwaas oo wada raashiin, khudaar iyo wax walbo.”