Faahfaahino kala duwan oo ka soo baxaya duqeymo cirka ah oo laga fuliyey deegaano ay ku sugnaayeen Alshabaab.

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar dhinaca circa ah oo diyaaradaha aan duuliyaha leheyn ee Mareykanka la beegsadeen meel qiyaastii 14KM u jirta degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Sida wararku sheegayaan, weerarkan oo ay door ku leheyd dowladda Soomaaliya waxaa lala eegtay goob ay shirk u lahaayeen xubno Shabaab ah, kuwaasoo isgu jira saraakiil iyo dagaal yahano

ah waxaa lagu sheegay in khasaare xooggan lagu gaarsiiyay Shabaabkii goobtaasi ku sugnaa.

“Ciidamada Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah waxaa ay  howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday koox Khawaarijta ka tirsan ka fuliyeen deegaan 14 KM u jira degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose, Howlgalka oo ah duqeyn ayaa lagu beegsaday goob uu shir uga socday Horjoogeyaal Khawaarijta ka tirsan waxaana halkaas ku gaaray Khasaare xoogleh oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Majirto wali wax war ah oo Mareykanka uu kasoo saaray weerarkan, waxaa sidoo kale jirin war kasoo baxay kooxda Shabaab, iyadoo duqeyntan ay kusoo beegantay saacado yar kadib markii taliyaha ciidmaada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano AFRICOM uu tagay Kismaayo, lana kulmay madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoone, waxeyna isla qaateen dardar gelinta weerarada ku foorara Shabaab.

Dhankale Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradeed oo Jimcihii shalay ka dhacday deegaano dhaca xadka u dhexeeya gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe oo ka kala tirsan dowlad goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle.

Duqeyntan oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay fuliyeen diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Isu Tega Imaaraadka Carabta, waana markii ugu horreysay, taas oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Deegaanada la duqeeyaya waxaa ka mid ah Saban-sabley oo u dhaxeeya deegaanka Cali Axmed iyo degaanka Bud-bud, halkaas oo mararka qaar lagu arko Al-Shabaab.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay inay arkayeen diyaarado aan weli lagu arag Soomaaliya, kuwaas oo dul heehaabaya aagga degmada Galcad iyo deegaano kale oo dhaca xadka u dhexeeya labada gobol ee Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe.

Diyaaradahan ayaa saacado badan duqeynayay goobo lagu tuhmayo inay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana leh Imaaraadka Carabta.

DFS ayaa in dahwaalaba waxa ay aad u quud dareyneysa bilowga wajiga labaad ee howlgalka ka dhan ah kooxda alshabaab.

Tallaabada uu qaaday Imaaraadka Carabta ayaa noqoneyso tii ugu horreysay ee ku aadan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana horay duqeymahan oo kale looga bartay Mareykanka iyo sidoo kale Turkiga oo qayb ka ahaa wajiga koowaad ee howlgallada socda.

Imaaraadka wuxuu markii hore Soomaaliya ka caawinayay dhinaca howlgallada milatariga, gaar ahaan tababarida ciidamada iyo qalab siintooda, balse hadda wuxuu billaabay duqeyn.