Cali Cosoble: Jayte kursiga dhaxal kuma helin, doorashana kuma imaan

Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle, Cali Cabdullaahi Cosoble oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay xilka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan oo uu xalay xilka ka qaaday madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle oo wareegto soo saaray.

Cali Cosoble ayaa soo dhoweeyay xilka qaadista lagu sameeyay Cali Jayte, wuxuuna hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee la magacaabay, Cabdullahi Sufurow.

Sidoo kale wuxuu ugu duceeyay inuu Eebbe u fududeeyo mas’uiliyadda culus ee loo igmaday, maadaama ay hortaallo shaqo adag.