Xulka Degmada Cabudwaaq oo ku guuleystay koobka Kubada Cagta degmooyinka Galmudug ee kasocday Degmada Cadaado.

Xulka degmada Cabudwaaq ayaa ku guuleystay koobka degmooyinka Galmudug, kaas oo soo socday tan iyo 5-tii bishan una dhexeeyey ilaa 10-degmo.

Cayaarta kama dambaysta ahayd ayaa u dhexaysay Dhuusamareeb iyo Cabudwaaq, waxaana daawanayey madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, madaxda xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo boqolaal dadwyne ah oo degmooyin kala duwan ka yimid.

Xulka degmada Cabduwaaq ayaa la hormaray gool, balse xulka Dhuusamareeb ayaa taas kaga jawaabay 2-gool oo ay hoggaanka ku qabteen, hase ahaatee xulka Cabudwaaq ayaa daqiiqadihii lagu daray cayaarta la timid goolka bareejada.

Labada xul ayaa markaasi ka dib ku kala baxay gool ku laad, waxaana xulka Dhuusamareeb looga guulaystay 5-3.