Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa munaasabad xalay ka dhacday Madaxtooyada Cadaado ku guddoonsiiyay koobkii degmooyinka kubadda cagta degmada Cabudwaaq oo ku guuleysatay tartankii. Sidoo kale madaxweynaha ayaa billado guddoonsiiyay degmada Dhuusamarreeb oo gashay kaalinta labaad.
Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda ciyaaruhu u leeyihiin isdhexgalka bulshada, sidoo kalana ay sanadka dambe kasoo qayb gali doonaan koobka dhammaan degmooyinka Galmudug.
