Maamulka Caasimadda oo abaalmariyay xulka Caasimadda oo ku guuleystay kaalinta 2-aad koobka kubadda cagta degmooyinka Galmudug.

Maamulka Caasimadda Dowladda Galmudug ee Dhuusamarreeb ayaa kulan dhiirigalin, MahadCelin, abaalmarinno lagu guddoon siiyay ku maamuusay xulka Caasimadda oo ku guuleystay kaalinta 2-aad koobka kubadda cagta degmooyinka Galmudug.

Kulanka waxaa goob joog ahaa madaxda ugu sarreysa maamulka, guddoomiyaasha xaafadaha, xubnaha Golaha Deegaanka iyo Agaasimayaasha maamulka, guddoonka xulka Caasimadda, Tababarayaasha Macallimiinta iyo marti sharaf kala duwan.

 

Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimadda mudane Cabdiraxman Cali Maxamed, ayaa guddoonka xulka Caasimadda, ciyaartooyda, Tababarayaasha, Macallimiinta iyo taageerayaasha ugu mahadceliyay dadaalkoodii ay u galeen sidii koobka ugu guuleysan lahaayeen, wuxuu hilmaamay xulkii matalayay Caasimadda in aan ciyaar looga adkaan balse nasiibku saacdin, ayaa sheegay guul-daradaada hore in ay horseed u noqon doonto guushaada danbe.

 

Guddoomiyaha maamulka Caasimadda, ayaa Madaxweynaha Dowladda Galmudug, wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo cid waliba oo ka qeyb qaadatay koobka kubadda cagta degmooyinka Galmudug ugu mahadceliyay doorkii ay ku lahaayeen. Guddoomiyaha ayaa ugu danbeyn sheegay u jeedada koobka loo qabtay inuu ahaay is dhex galka bulshada, nabadda iyo horumarka degmooyinka Galmudug si guud in looga wada shaqeeyo, koobkana ay koox qaaddo.