Hordhac: Man City vs Swansea City – Guardiola & Wiilashiisa Oo Kadib Hanashada Horyaalka U Hanqal Taagaya Rikoorka 100-ka Dhibcood.

Manchester City goor hore ayey la hoyatay horyaalka Premier League, balse waxey isha ku heysaa rikoorka 100-ka dhibcood oo wali suuragal u ah xisaab ahaan iyo iney guud ahaan ka talaabsadaan rikoorka Chelsea ay sameyay 2005 markaas oo ay 95 dhibcood ku qaadeen horyaalka.

Inkastoo ay guul wax ku ool ah gaareen hadana sadexdii kulan ee ugu dambeysay dhamaan tartamada oo dhan gurigooda guuldaro ayey heleen, waxeyna la ciyaarayaan wiilasha Swansa City oo ka ordaya iney heerka labaad u laabtaan.

Tan iyo markii Swansea City loo dhiibay Carlos Carvalhal bishii December, kaliya 7-kooxood ayaa helay dhibco ka badan 20-dhibcood, inkastoo ay kaliya guul heleen hal jeer 15-kii kulan ee ugu dabeeyay ciyaaraha banaanka.

Warbixinta Kulanka:

Kulanka: Man City vs Southampton

Tartanka: Premier League

Garoonka: Etihad Stadium

Saacadda: 6:30 Maqribnimo (XGA)

Garsoore: Craig Pawson (England)

Maxaa Ka Cusub Labada Kooxood?

Man City waxey weyneysaa Sergio Aguero oo ah gooldhaliyahooda ugu sareeya, qaliin ayaa lagu sameeyay taasoo u diideysa garoomada inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

Fernandinho ayaa maraya kulankiisa labaad, ganaaxa labada kulan ee lagu soo rogay halka Stones uu xanuunanayo, Mendy ayaa isna shaqo fiican qabtay balse wali wuxuu sugayaa inuu taam buuxa noqdo.

Swansea City waxey rajeyneysaa in Sam Clucas uu xaadir noqdo kulanka caawa.

Shaxda Macquulk Ah:

Man City (4-3-3): Ederson; Walker, Kompany, Laporte, Delph; De Bruyne, Gundogan, D. Silva; Sterling, Jesus, Sane

Swansea (4-4-2): Fabianski; Naughton, Fernandez, Mawson, Olsson; Narsingh, Ki, King, Carroll; Ayew, Ayew

Xaqiiqooyinka Kulanka:

Manchester City ayaa guul gaartay dhamaan lixdii kulan oo ay kulamada horyaalka gurigeeda ku qaabishay Swansea City.

Swansea City ayaan shabaqeeda ilaashan mid walba oo ka mid ah sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay kulamada horyaalka oo ay wajahday Citizens, 24-gool ayaana laga dhaliyay.