Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladda amniga dalka, waxa uuna u jeediyay codsi xooggan oo ku aaddan in ay dalka ka qaadaan cunaqabateynta hubka ee saarneyd tan iyo sannadkii 1992-dii.
Madaxweyne Xasan Sheekh Qudbadiisa uu ka jeediyey Golaha Ammaan diirada ku saaray.
-Amniga guud ee Soomaaliya,
-Dagaalka ka dhanka ah Kooxda Alshabaab.
-Cunnaqabateynta Hubka ee saran Soomaaliya.
– iyo Kiiska ka qaasdista Cunaqateynta Hubka oo ay Dowladiisu aad u quudareyneyso.
-Dagaalka ka dhanka ah Kooxda Alshabaab.
“Waxaan garoowsannahay in Al-Shabaab oo laga adkaado ay u baahan tahay qorshe dhinacyo badan leh oo ay ugu horreeyaan ciidamo tayo iyo hanawood leh, dhismo dowladeed oo loo dhan yahay iyo in dowladdu ay awood u yeelato bixinta adeegyada aas-aasiga ah ee shacabka. Dowladdaydu waxay si dhab ah uga shaqeynaysaa arrimahaas oo dhan, si ay u gaarsiiso dalka nabad waarta iyo barwaaqo,” ayuu yiri Madaxweynaha oo khudbaddiisa jeedinayay.
Amniga guud ee Soomaaliya:
Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku sheegay guulo wax ku ool ah oo ku aadan horumarka laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al Shabaab, waxa uuna sheegay in Sannadkii la soo dhaafay laga xoreeyey gacmaha argagixisada in ka badan 70 deegaan, taas oo fududeysay isu socodka dalka ee Waqooyi iyo Koonfur, gaar ahaan dhul-beereed ballaaran oo hodon ah.
“Iyadoo la xoojiyey weerarrada ciidanka ee ku aaddan dabar-goynta argagixisada Alshabaab iyo in la curyaamiyo dhaqdhaqaawooda sirdoon ahaan, waxaan ku guuleysannay in hoos loo dhigo falalkoodii gurrucnaa ee ay ka fulin jireen Caasimadda Muqdisho.”
-Cunnaqabateynta Hubka ee saran Soomaaliya:
Madaxweynaha ayaa adkeeyey in cunaqabateynta hubka ay noqotay caqabad halkii ay ka ahaan lahayd mid waxtar leh. “Aan si cad u sheego – Soomaaliya 2023 ma aha Soomaaliya 1992. Helitaanka awoodaha lagama maarmaanka ah waxay noqotay hawl adag, taasoo caqabad ku ah awooddayada dhanka dagaalka argagixisada Al-Shabaab iyo xaqiijinta nabad iyo xasillooni waarta” .
– Kiiska ka qaasdista Cunaqateynta Hubka ee Soomaaliya:
Madaxweynaha, ayaa mar uu ka hadlaayay tallabada loo qaaday in lagu maareeyo hubka iyo rasaasta dalka, waxa uu ka codsaday ergada in ay gacan ku siiyaan baaqa ah in gebi ahaanba laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya. “Marka aad sidaas sameysaan waxaad awood noo siinaysaan in aan xaqiijinno madax-bannaanideena, si wax ku ool ah loola dagaallamo argagixisada, oo ummaddeenna aan u dhisno mustaqbal nabad iyo barwaaqo ah.”
DHAMAAD