Madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner ayaa ka tegi doona Ruushka, mana wajihi doono wax dacwado ah kadib markii uu baajiyey duullaankii ciidankiisa ee Moscow, waxaa sidaas sheegay Kremlin-ka.
Khilaafka madaxa Wagner Yevgeny Prigozhin iyo hoggaanka militariga Ruushka ayaa rabshad isku beddelay Sabtidii, ayada oo ciidamadiisa ay qabsadeen xarun militari oo ku taalla koonfurta Ruushka, kadibna u dhaqaaqeen dhinaca waqooyi ee caasimadda.
Hase yeeshee, waxaa xalay lagu dhowaaqay heshiis, ayada oo Kremlin-ka uu sheegay in Yevgeny Prigozhin uu tegi doono dalka Belarus, halka Ruushka aysan maxkamadeyn doonin isaga iyo ciidankiisa.
“Hadda waxaa timid daqiiqaddii dhiiggu daadan lahaa. Innaga oo fahansan … in dhiigga Ruushka uu daadan karo, waxaan go’aansannay inaan dib ugu laabanno xerooyinkeena.”
Saacadihii hore ee Axadda maanta ah, Wagner ayaa billowday inay ciidamadeeda kala baxdo magaalada Rostov, halkaasi oo ay Sabtidiii qabsatay xarumo militari.
Hase yeeshee kahor inta aanay bixin, dadka deegaanka ayaa ku qaylinayey “Wagner! Wagner!” ayaga oo ku sugan dibedda xarumaha ay qabsadeen.
Mas’uuliyiinta gobolka Koonfurta Ruushka ee Lipetsk ayaa billaabay inay qaadaan xayiraadaha ay soo rogeen kadib markii Wagner, oo horey gobolka usoo galay, ay ku dhowaaqeen dib u gurasho.
Hoggaamiyaha Belarus Alexander Lukashenko ayaa sheegay inuu xabad-joojin kala xaajooday Prigozhin, taasi oo Moscow ay uga mahad-celisay.
Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa goor dambe weriyayaasha u sheegay “Kiis dambiyeed ka dhan ahaa Prigozhin waa laga laaban doonaa. Isagana wuxuu aadi doonaa Belarus.”
Peskov wuxuu sheegay in xubnaha Wagner ee ka qeyb qaatay waxa ay mas’uuliyiinta ugu yeereen “kacdoon hubeysan” aan la maxkamadeyn doonin.
“Ka fogaanshaha dhiig daata, dagaal maxalli ah, iyo isku dhacyo aan natiijadooda la saadaalin karin, ayaa ahaa hadafka ugu weyn,” ayuu yiri Peskov.