Weerar Gantaalo ah oo ay Ciidamada Ruushku ku qaadeen Magaalada Kramatorsk oo ku taalla bariga Ukraine ayaa waxaa ku geeriyooday ugu yaraan afar qof, waxaana ku dhaawacmay tobaneeyo kalesida ay Qortay ALJAZEERA, iyadoo gobollada Baltic ay walaac ka muujiyeen kooxda Wagner ee Ruushka hadda masaafurisay oo u muuqata inay hada kooxdaasi ay dib u saldhiganayaan Belarus.
Hal gantaal ayaa ku dhacay maqaayad mashquul badan oo lagu magacaabo Ria pizza ah oo ku taal bartamaha magaalada fiidnimadii hore ee Xalay, mas’uuliyiinta Ukraine ayaa sheegay, in uu cunug yar uu ka mid yahay afarta la xaqiijiyay imey ku dhinteen wareerkaasi. Gantaalka labaad ayaa ku dhacay deegaan ku taala duleedka magaalada, waxaana ku dhaawacmay shan qof oo kale.
Maqaayadan ayaa haleelay wax yar ka hor 8-dii fiidnimo ee xilliga Dalkaasi Ukraine markaasoo dad badan ay casho ka cunayeen, waxaana laga cabsi qabaa in dhimashadu ay aad uga kororto in la shaaciyey.
Sawirada laga soo qaaday goobtaasi maqaayada ayaa muujineysay in aad u burburtay, waxaana goobta soo gaaray ciidamo gurmad ah. Ciidamada Gurmadka ayaa isticmaalayay wiishash iyo qalab kale si ay u gaaraan dadka ku go’doonsan burburka hoostiisa.
“Dad badan baa meesha ku sugnaa – caruur baa ka mid ahayd oo hada ku hoos jirta burburka dhismahaan, aniga iyo saaxiibadii halkaan Ayaan kula cunyeynayey markii uu Gantaalka uu soo dhacay.” ayuu yiri nin magaciisa ku sheegay Yevgen.
