MADAXWEYNAHA DOWLADDA GALMUDUG OO KA HAMBALYEEYAY MUNASAABADDA 1-DA LUULYO.

Madaxweynaha Dowladd Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo bulshada reer Galmudug ugu hambalyeeyay munaasabadda Kowda Luulyo oo ku beegan 63-guuradii kaso wareegatay maalinkii ay xornimada qaateen gobollada koonfureed ee dalka sidoo kalana ku asteysan israacii Koonfur iyo Waqooyi.
Madaxweynaha ayaa sheegay iney tahay maalin lagu xasuusto daljaceyl, gobanimo, midnima iyo dad & dal Soomaaliyeed oo xor ah.

Madaxweynaha ayaa yiri “ Waxaan halkaan uga hambalyeynayaa Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iyo bulshada Reer Galmudug-ba, munaasabadda 1-da Luulyo awgeed meel kasta oo ay joogaan. Waa taariikh aan shacabka Soomaaliyeed sinna uga go’in xusuustooda, kuna xusan daljaceyl, gobannimo, midnimo iyo dad & dal Soomaaliyeed oo xor ah, maalin qiima badan, maalin dadka iyo dalkuba mahdiyeen. Waxaan u duceyneynaa geesiyaashii inoo sameeyay taariikhdaas wanaagsan”
Dhammaad.