Madaxweynihi hore Maxamed Cabdulahi Framaajo ayaa hambalyo Munaasabadda 1-da Luuliyo u diray ummada Soomaaliyeed.
Dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxaan ugu hambalyaynayaa munaasabadda 63 guurada ka soo wareegtay maalintii gobollada koonfureed ee dalkeennu ay xorriyadda qaateen, isla markaana labadii gobol ee woqooyiga iyo koonfurta dalkeennu ay midoobeen.
