Cali Jeyte oo Magacaabay Xubno ka mid noqonaya Maamulkiisa Hiiraan State

Gudoomihii hore ee goblka Cali Jeyte Cismaan islamarkaana sheegay in uu yahay Madaxweynaha Hiiraan State ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay xubno  ka mid noqonaya maamulkiisa.

Wareegtada kasoo baxday xafiiska Cali Jeyte Cismaan ayaa lagu magacaabay guddoomiyaasha gobolka Hiiraan iyo gobol cusub oo uu ugu magacdaray Shabeellaha Sare.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee maamulka Hiiraan State ayuu Cali Jeyte u magacaabay Cabdicasiis Axmed Cadoow oo loo yaqaano Jaaburi, halka guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Sare loo magacaabay Cabdaladhiif Faarax Aadan.

Cali Jeyte ayaa sidoo kale wareegto uu soo saaray ugu magacaabay Taliyaha ciidanka Daraawiishta maamulka Hiiraan State Suleymaan Geedi Ibraahim, halka taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta uu u magacaabay Cabdullaahi Maxamed Faarax Biriq, iyadoo taliyaha Saadka Ciidanka Daraawiishta loo magacaabay Afrax Cali Xasan Afrax Yare.

Xubnaha cusub ee maamulka Hiiraan State ee la magacaabay waxaa sidoo kale ka mid ah Afhayeenka madaxtooyada maamulka Hiiraan state oo loo magacaabay Maxamuud Maxamed Saxane.Maamulka Hirshabeelle ayaan ilaa hadda ka hadlin Magacaabista oow sameeyay cali jeyte.