Warar kaladuwan ayaa kasoo baxaya Dagaal Xoogan oo dhacay Gobolka Bakool ee Maamulka kgs somaliya
Dagaalka ayaa dhexmaray Ciidamada Itoobiya ee katirsan howlgalka midowga Africa ee Atmis kuwa Maamulka kg ee daraawiishta oo dhinac ah Iyo kooxda alshabab
Dagaal ayaa yimid kadib markii Xubno katirsan Kooxda alshabab ay werar xoogan ku qaadeen Saldhig Ciidamada Itoobiya iyo kuwa daraawiishta kg ku laheeyeen Duleedka Degmada ceelbarde ee Gobolka Bakool
Dagaalka oo sacaado socday ayaa waxaa lasheegay in uusan jirin khasaaro kasoo gaaray dadka rayidka hasayeshee uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac ee Dagaalamay
Wararku waxaa ay intaas kusiii darayaan in Xubnihii werarka soo qaaday Ay dib ugu noqdeen Halkii markii hore ay kayimadeen Kadib markii ay Dagaal qarar ay kala kulmeen Ciidamada Iskaashana ee daraawiishta kg iyo kuwa Itoobiya
Dagaalkaan ayaa waxa uu kusoo adayaaa iyadoo dhawan lagu wado inu dalka kabilowdo wajiga labaad ee dagaalka kadhankaa kooxda
Uuna socdo abaabuulka Ciidamada kaladuwan oo ay wadaan saraakiisha ugu saraysa Ciidamada xooga dalka
Wajiga 2aad ee Dagaalka ayaa sidokle waxaa la Filanayaa in ay ka qayb qadan doonan Ciidamo kasocda dalal daris la ah somaliya sida Itoobiya jabuuti iyo kenya
Itoobiya iyo kenya ayaana lasheegay inay soo dhamaystireen Ciidamada dagaalka ka qayb qadanaya balse dowlada jabuuti la filanaaayo in dhankooda ay soo dhamaystiraaan Ciidamada Ay somaliya usoo dirayaaan.