Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Jubbaland oo tababar usoo xiray Ciidamo katirsan XDS.

Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa tababar usoo xiray Cutub ka tirsan Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed,

Munaasabadan ayaa waxaa Goobjoog ahaa oo kasoo qeyb galay Wasiir Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal), Taliyaha ururka 5aad guutada 16aad xoogga dalka ee danab gaashaanle Carab Dheeg Axmed iyo saraakiishi tababarka bixinayey.

Tababarkan oo socaday muddo labo bilood ah ayna bixinaysay Tababarayaal ka tirsan Ciidamada Howgalka Midowga Africa ee ATMIS ayaa waxaa Ciidankaan lagu barayey Caafimaadka oo lafdhabar weyn u ah nolosha aadanaha qaasatan kaalin lixaad leh ka qaadanaya xilliyada Dagaalada lagu jiro, DFS ayaa hada aad u qorsheyneysa bilaabida wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al-shabaab.