Madaxwayne ku-xigeenka Galmudug iyo Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Dowlada Galmudug oo maanta Siwadajira uga daahfuray Caasimada Dhuusamareb Koox-howleedka Xalka waara ee Galmudug.

Madaxwayne ku-xigeenka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid iyo Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Dowlada Galmudug mudane Ahmed Mohamed Ali ayaa maanta Siwadajira Dhusamreeb uga daahfuray Koox-howleedka Xalka waara ee Galmudug.

Galmudug Durable Solutions Working Group). oo ay ku mideysan yihiin hay’adaha dowlada, hay’adaha aan dowliga aheyn ee calaamiga ah, iyo clusterska. Loogana gol lee yahay in wax looga qabto, mudnaan la siiyo lana socodsiiyo mashaariicda xalalka waara ee loo sameynayo dadka barakacayaasha ku dhaqan deeganada galmudug oo dhibatooyin badan wajahayaan.

Sidokale waxa goobjoo Ka aha Wasir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Dowlada Galmudug Agaasimaha Guud ee wasaaradda Qorsheynta, wakiil ka socday wasaarada Qorsheynta Dowlada Federalka ,wakiil Ka socoday Xafiiska madaxweyne-kuxigeenka ee Champion office, Agsimayaal kale oo ka kala socday wasaaraddaha kala duwan ee Galmudug iyo so Hay’adaha QM iyo kuwa Caalamiga ah.