Ciidamada kala duwan ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyey inta u dhexeeysa Degmooyinka Afmadow iyo Caasimada kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland ee Kismaayo oo qayaastii isku jira 120KM.
Sida lagu baahiyey Baraha Warbaahinta Jubbaland ayaa lagu sheegay in Howlgalkan oo uu hogaaminayey Taliyaha Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Jubbaland Maxamed Axmed Sabriye sidoo kalane ay qayb ka ahaayeen Ciidamada daraawishata Jubaland iyo Ururka 5-aad guutada 16-aad kumaandooska danab, mudadii uu socday howlgalkan ayaa qoraalka lagu sheegay in ay ciidamadu bur buriyeen saldhigyo waawayn oo ay lahaayen kooxaha Alshabaab,Howlgalka ayaa lagu qarxiyey dhowr miino oo ay doonayeen in ay ku dhibaateen dadka shacabka ah ee wadooyinka isticmaala.
Bilowga isbuuci tagey ayay aheyd markii ay ciidmada Jubbaland gaareen Degmada Afmadow safar maalin qaatay oo dhanka dhulka ah, Hayeeshee markii labaad ayay ciidamo hor leh gaareen Afmadow, iyadoo wajiga labaad ee Howal galka lagula dagaalamayo Kooxaha Khawaarijta ah uu ka curtay Degaanada Jubbaland.
Deegaanada ay ciidamadu ku baacsadeen Kooxaha Khawaarijta ah ee fariisimaha u aha waxa kamid ah Qalawlaha, Falaqaay, Reebaay, Fantooley, Harboole, Qumbi, Miidow, Shuufa, Habeedley, Cag libaax iyo deegaano kale dhamaantood waxa ay fariisimo u ahaayeen kooxa Alshabaab.
Maamulka Jubbaland ayaa horey ugu guuleeysatay xoreeynta wajigii hore ee dagaalka iyo qabashada dhowr deegaan oo ay hormuud u aheyd Janaa Cabdalle. Maamulkaasi ayaa haatan u diyaargaroobaya wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah AS
