Dibad-baxayaal aad u badan kuwaasi oo taageersan Xisbiyada isbahaysiga mucaaradka Kenya iyo Booliiska Dalkaasi ayaa waxa dhexmaray isku dhac maanta, qeybo ka mid ah Magaalooyinka waaweyn ee Kenya oo ay ku jirto Caasimada Nayroobi, dadka Dibad-baxa dhigayey waxa ay uga soo horjeedeen dowladda haatan ka arimisay Dalkaasi ee uu hugaamiyo Madaxweyne William Ruto.
Magaalada Nairobi ee caasimada Kenya maanta waxa ay ahayd mid inta badan yaraadeen dhaq-dhaqaaqii ganacsiga iyo isku socodkii dadweynaha, waxaana la arkayey ciidamada booliska oo Banaanbaxayaasha u deegsanaya sunta dadka ka ilmaysiisa taasi oo ay ku kala eryayeen dadka mudaharaadayey.