WAR SAXAAFADEED
Xubno katirsan kooxda Al-Shabaab oo lagu dilay hawlgal ka dhacay Jubbada Hoose
Muqdisho, 9 July 2023: Dagaalka ka dhanka ah ururka As ayaa si lixaad leh uga socda goobo farabadan oo dalka ka mid ah. Mid ka mid ah hawlgadii ugu dambeeyay ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland oo ay taageerayaan saaxiibada caalamiga ah waxaa uu xalay ilaa saakay ka dhacay deegaano hoostaga Degmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Hawlgalka oo dhacay saddex jeer oo kala duwan waxaa lagu beegsaday goob ay kooxdu isku uruursanayeen. Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in ilaa iyo 40 xubnood oo ka tirsan As lagu dilay hawlgalkaasi.
Waxaa halkaasi lagu burburiyay qorshahoodii ahaa in kooxdaani ay dadka rayidka ah waxyeeleeyaan.
-Dhammad-