Ciidanka xoogga dalkagaar ahaan Danab iyo kuwa daraawiishta Maamulka Jubbaland ayaa howlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen Magaalada Xagar ee gobolka Jubbada Hoose oo ay Maamulayeen xoogaga Al-shabaab.
Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee Degmada Afmadow Mahad Islaam oo ka mid ah saraakiisha hogaamineysay howlgalka ayaa xaqiijyey iney Ciidamadu la wareegeen Deegaanka Xagar
Magaaladaan Xagar ayaa qiyaas 80 KM ah u jirta caasimadda rasmiga dowlad goboleedka Jubbaland ee Bu’aale halkaasoo ay maamulayeen tan iyo jiritaanka Kooxdaan Alshabaab
Ciidamada oo Weerarka kasoo qaaday Degmada Afmadow ayaa waxaa ay sheegeen iney waddooyinka kasoo saareen miinooyin aad u badan oo ay kooxdu ku aastay.
Dhanka kale Saraakiisha Ciidamadaan horsocotay waa tilmaamay in ay nolosha ku qabteen ilaa 6 dagaalamayaal oo ka tirsan Ururka Al-shabaab iyo gaari nuuciisu yahay Caasi isla markaasine loo gudbiyey ayaa dhanka Degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.
Ciidamada ayaa howlgalkaan dhowr jaho oo kala duwan ka wada dhulka baaxada leh oo gobolka Jubbada hoose ka tirsan.
Dowlada Goboleedka Jubbaland ayaa aad u qorsheyneysa in ay dib uga Xoreyso Alsahbaab ee deegaano iyo Degmooyin muhiim ah oo ay wali ka taliyaan kooxaan taasi oo ay ka mid tahay Magaalada Caasimada rasmiga ah ugu diiwaan gashan Jubbaland ee Bu,aale sidoo kalna ah Magaalo madaxda Gobolka Jubbada dhexe.

