Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta Shir gudoomiyay Kulanka golaha wasiirada oo diirada la saaray howlgalada dalka ee ka dhanka ah Ururka Alshabaab, dardar galinta mashaariicda Maamulka socda iyo qodobo kale.

Madaxweynaha Dowladda Goboleed Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe  ayaa maanta Shir gudoomiyay Kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay howlgalada dalka lagu xoraynayo Ururka Alshabaab, dardar galinta mashaariicda socda iyo qodobo kale.

Golaha ayaa bogaadiyay howlgalada ay wadaan Ciidamada kala duwan ee Xooga Dalka iyo Maamulka Jubaland kuwaasi oo Kooxada looga qabsaday Deegaano ay ka ariminayeen in muddo ah.

Ciidamada XDS iyo Dowlada Goboleedka Jubaland ayaa maanta la wareegay Degmada Xagar ee gobolka Jubada Hoose iyadoo halkaas khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay Kooxihii kugnaay ee Alshabaab.

Sidoo kale Waxaa Kulanka looga hadlay dardar galinta mashariicda Maamulka ee Hada socda sidii qiimayn loogu samayn lahaa isla markana loo hubin lahaa gaba gabada inay u fuleen sidii loogu talagalay iyo bilowga mashariicda Cusub sidii ay u noqon lahayeen Kuwo taabo gala.

Golaha Wasiirada waxa ay sidoo kale kulan kooda uga hadleen sidii mashariicda kala duwan ee Maamulka loo gaarsiin lahaa gobolka Gedo isla markana bulshada deegaanka ay u heli lahayeen adeegyada kala duwan.