Midowga Africa oo Warqadaha Aqoonsiga ka Gudoomay Safiirka Soomaalia ee Addis Ababa.

Midowga Africa oo Warqadaha Aqoonsiga ka Gudoomay Safiirka Soomaalia ee Addis Ababa.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Africa H.E Moussa Faki ayaa xafiiskiisa Addis Ababa kusoo dhoweeyey Danjiraha Soomaaliya ee Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ahna wakiilka joogtada ah ee Midowga Africa ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sidoo kale Mudane Faki ayaa Safiir Warfaa si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo.
Ambassador Warfaa, ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Midowga Africa kaalinta wax ku oolka ah ee uu markasta ka qaato dawlad dhiska Soomaaliya, sidoo kale safiir Warfaa wuxuu tilmaamay muhiimada ay leedahay sidii loo laba jibaari lahaa xiriirka iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa Dawladda Soomaaliya iyo Midowga Africa, waxaana Danjire Warfaa kulanka ku weheliyay qaar kamid ah Diplomaasiyiinta Safaaadda Soomaaliya ee Addis Ababa.