Garaadka SSC oo sheegay in DF iyo Somaliland ay heshiis ku yihiin dagaalka

Jaaliyadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobollada SSC ee Sool iyo Sanaag ayaa shir weyn ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana gabagabadii shirkaas eedeyn culus loogu jeediyey dowladda federaalka.

Gaaraadka guud ee SSC, Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa ka qeyb galay shirkaas, waxaana ka soo baxay eedeyn loo jeediyey dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna madaxda dowladda dhexe ka dalbaday inay hagar-daamada ka daayaan midnimada umadda Soomaaliyeed.

Garaad Jaamac oo gabagabadii shirkaas saxaafadda la hadlay ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay Somaliland ku garab siisay dagaalka Laascaanood, sidoo kale caalamka ay isaga aadisay dagaalka lagu hayo Laascaanood

Soomaaliyey xukuumadda maanta jirta yaan nalagu haleyn, afka ka dhowri maayo, waxay Somalialnd ku garab siineysaa duqeynta ay ka wado Laascaanood,” ayuu yiri Garaad Jaamac.

Sidoo kale, Garaadka ayaa sheegay in caalamkii ay uga dacwoon lahaayeen Somaliland ay ka hor taagan tahay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku doodeysa inay xal u keeneyso xiisadda Laascaanood, sida uu shegay Garaad Jaamac.

Waxaan ognahay in adduunkii dhaleeceyn lahaa waxa Somaliland ay Laascaanood ka wado ay hor istaagtay dowladda federaalka, iyagoo dhahaya xalka arrintaas anagaa heyna, waxana cadeynayaa in wax xal ah aysan heyn dowladda dhexe,” ayuu yiri Garaadka guus ee SSC Khaatumo.

Sidoo kale Garaadka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dagaal kala hor tegi doonaan hadii ay cadaato inay wax ka wado qorshaha dalka lagu kala goynayo ee Somaliland ay wado