Kenya ayaa mar kale wajahaysa mowjado mudaaharaad. Banaanbaxayaal ayaa maanta waxay isugu soo baxeen jidadka magaalooyinka waaweyn. Dadkan ayaa dalbanaya in la joojiyo canshuur kordhinta. Goobaha ganacsiga qaarkood ayaa la xiray, waxaana hakad galay isu socodka shacabka iyo gaadiidka.
