Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka ee NISA ayaa howlgal ka dhan ah As ka fuliyey xududa ay wadaagaan gobollada Shabeelooyinka, gaar ahaan tuulooyinka Sabyo, Buula-madiina iyo Beerta Shire-jiis, waxaana howlgalladaas lagu soo qabtay xubno lagu tuhmay inay gacan-saar laleeyihiin As.
Sidoo kale ciidanka hey’adda NISA ayaa howlgalladaas ku burburiyey goobo ay ku dhuumaaleysan jireen alshababkii isaga carartay deegaanadaas.
