Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa kordhiyay howlgallada ay ka wadaan xadka ay la wadaagto dalka Soomaaliya, kadib markii ay kordheen weerarada ay halkaasi ka geystaan Ururka Al-Shabaab.
Dowladda Kenya ayaa ku eedeysay weeraradaasi inay ka dambeeyaan dagaalyahannada Al-Shabaab oo dhowr jeer ooh ore weeraro ka geystay gudaha dalka Kenya.
Sarkaal u hadlay dowladda Kenya ayaa sheegay in howlgallada looga gol leeyahay sidii loo xaqiijin lahaa amniga xadka Soomaaliya iyo Kenya ayna uga hortegi lahaayeen weerarada ay geystaan Ururka Al-Shabaab.
Meelaha ugu badan oo ay Ciidamada Kenya howlgallada ka fuliyaan ayaa waxaa kamid ah Magaalooyinka gobolka Waqooyi Bari, halkaas oo ay weerarada ugu badan ka geystaan Al-Shabaab.
Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa degaano katirsan gobolka Waqooyi Bari ka dhacay weeraro dhowr ah oo ay geysteen Al-Shabaab, taas oo keentay in ay Kenya dib u dhigto furitaanka xadka ay la wadaagto Soomaaliya.