Maamulka Hirshabeelle oo dib udhis ku sameynaya Wadada xariirisa Magaalada Jowhar iyo Degmada Aadan-yabaal.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabeelle Cabdi daahir Guure Karoore oo aay wehliyaan wasiirka maaliyada , wasiirka dib u heshiisiinta , iyo wasiiru dowlaha wasaarada dastuurka.ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay dib u dhiska iyo dayactirida wadada xariirisa Magaalada Jowhar iyo Degmada Aadan yabaal

Wadadaan oo muhiim u ah isku socodka Shacabka iyo Gaadiidka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ahayd mid ay baahi weyn u qabaan Bulshada, waxa ayna sii martaa deegaano badan, illaa laga gaaro Degmada Aadan Yabaal oo kooxda Alshabaab laga Xoreeyey dabayaaqadii Sanadkii tagay ee 2022.