Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa ugu baaqay Waxgaradka Culumaa,udiinka Siyaasiyiinta ineey ka qeyb qataan deminta Colaad Beeleed ka soo cusboonaaday Degaano hoos taga Degmooyinka Cadalle & Raaga Ceelle oo ka tirsan G/Sh/dhexe.
Madaxweyne Guudlaawe ayaa sheegay in dagaal waajibka ah uu yahay midka wejigiisa labada loo diyaarinayo in lagu qaado alshabaab balse ay xaaran tahay dhig dad walaalo ah iska daadiyaan kuwaasi oo aan sina u kala maarmi kareynin inta Ifka lagu nool yahay,
Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa Wafdi u hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha & Dowladaha hoose ayna qeyb ka yihiin Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Hirshabelle, & Mas,uliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabelaha dhexe u diray Degnaada Colaada ka bilaabatay balse labada beelood ee walalaha ah dhalinyaradooda dagaalka u bilabeen.
Sidoo kale Madaxweyne Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ugu baaqay cid weliba oo kaalin ka qadan karta ineey u istaagto daminta dhiiga dadkaasi walalaha ah oo in muddo kusoo laalaabatay deegaankaasi.
