Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macallim cabdulle ayaa maanta xafiiska hay’adda ku qaabilay wafdi ka socday hay’adda Secours Islamique France SIF oo uu hogaaminayay Madaxa hay’dda SIF Gorkhamas Huseynov.
Kulanka oo is barasha iyo gogol xaar u ahaa wada shaqayn dhexmarto labada hay’adood ayey ka wada hadleen labada mas’uul,arrimo ku saabsan in hay’adda Secours islamique in SoDMA ka caawiso in deeganada laga saaray khawaarijta iyo kuwa dhawaan laga xoreyn dono sidii bulshada halkaas ku nool gargaar loo gaarsiin la haa,in ay ka saacidaan qeybo kamid ah xarumaha Hay’adda Maaraynta sidii qalabeen loogu sameeen lahaa iyo Qodobo kale.


