Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Wafdiga Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa degmada Luuq kusoo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Gedo iyo kan degmada Luuq iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxaa lagu wadaa in uu kulamo kala duwan la yeesho Mas’uuliyiinta Maamulada degmooyinka Gobolka Gedo iyo mas’uuliyiinta cusub ee Madaxweynaha Jubbaland u soo Magacaabay Gobolka Gedo.
Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa muddo dhowr sano ah tegin Gobolka Gedo sababo la xiriira diidmo ay Madaxda Jubbaland kala kulmayeen Shacabka, iyada oo Gobolkaas ay ka talinayeen mas’uuliyiin ay u soo Magacaawday dowladdii Farmaajo.