Xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo maanta kulan ku yeeshay Garoowe ayaan ansixiyay gobol cusub oo loogu magac daray Raas Casayr.
Kulankan oo ahaa mid xasaasi ayaa waxaa guddoomiyay Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo ah guddoomiyaha Golaha, waxaana wehelinayay ku-xigeenka 1-aad Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame.
Ugu horreyn Golaha ayaa ka dooday Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka, kaas si faah-faahsan uga hadlaya Arrimaha Deegaanka guud ahaan, waxayna doodiisa soctay maalmihii la soo dhaafay.
Sidoo kale Xildhibaanada Puntland ayaa kulankooda cod aqlabiyad leh waxay ugu meel-mariyeen Ansixinta Gobolka cusub ee Raas Casayr oo horay loo oran jiray Gardafuu.
Waxaa Oggol ugu codeeyay illaa 44 mudane, diidmo 2, cid ka aamustayna ma jirin, sida uu ku dhowaaqay guddoonka sare ee Golaha Wakiilada Puntland.
Si kastaba, Puntland ayaa hadda wajaheysa xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay doorashada kusoo foodka leh maamulkaas oo ay isku qabteen xukuumadda iyo xubnaha mucaaradka.
Arrinta ayaa kasii dartay markii baarlamaanka la horgeeyay wax ka beddalka dastuurka Puntland, taas oo dagaal gacan ka hadal ah ka dhalisay gudaha magaalada Garoowe.
Â
Â
 
 