Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug.
Ugu horreyn golaha ayaa warbixin buuxda oo ku saabsan amniga iyo qorshaha dagaalka wajiga labaad ee argagaxisada looga xoreynayo deegaannada ay kaga suganyihiin dhulka Dowladda Galmudug ka dhageystay wasiirka wasaaradda Amniga. Golaha ayaana bogaadiyay guulaha ciidamadda Xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug ka gaareen cadawga argagexisada.
Sidoo kale, wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u hishiisiinta ayuu goluhu ka dhageystay warbixin la xariirta arrimaha doorashooyinka dalka iyo halka marayaan. Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa golaha faray in la dardar galiyo howlaha shaqo ee xukuumadda oo ay kamid yihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada, abaabulka dadka deegaannada Galmudug ee wajiga labaad ee ka dhanka ah argagexisada iyo arrimaha doorashooyinka isagoo madaxweynuhu xusay in Galmudug ay si buuxda ugu dabaqi doonto arrimaha doorashooyinka hishiiskii kasoo baxay shirkii Madasha Wadatashiga Qaran.
