Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada maamulka Gobolka Banaadir oo dalka turkiga kula kulmay xog hayaha dowlada hoose ee dalkaa

Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed ioo uu wehliyo Agaasimaha xiriirka Dibadda ee Dowladda Hoose Xamar Mudane Maxamed Xasan Maxamed ayaa Magaalada Samsun ee Dalka Turkiga kula kulmay Xoghayaha guud ee Dowladda Hoose Magaalada Samsun Mudane İlhan BAYRAM, iyaga oo kawada hadlay iskaashiga iyo wax is dhaafsiga Magaalooyinka Muqdisho iyo Samsun.

Mas’uuliyiintan ayaa booqday qaar kamid ah xarumaha ay Dowlada Hoose Samsun ee dalka Turkiga ugu adeegto bulshada, waxaana kamid ah goobaha ay booqdeen.

1. Waaxda Gaadiidka.
2. Waaxda Dabdamiska
3. Waaxda Canshuuraha
4. waaxda Dhulka.