Ciidamada xooga oo burburiyay Goobo ay laheyeen As

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa saaka howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaano Hoostaga Gobolka Shabeelada Hoose

Hawlgalkaan oo u jeedkiisu ahaa Burburinta goobaha ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka Nabadiidka ayaa waxaa fuliyey ciidanka ururka 64 aad guutada 7 aad ee qeybta 12 April ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Intii lagu gudo jiray baritaanka, Saraakiisha Ciidanku waxaa ay ku gulaysteen in ay burburiyaan goobo ay Nabadiidka ku farsamayn jireen walxaha qarxa iyo barahii lagu baadi jiray dadka shacabka ah

Taliyaha Daraawiishta degmada walaweyn Cali juu ayaa Shacabka u sheegay in ay soo sheegay hadii ay arkaan Maleyshiyaadka Nabadiidka

Taliyaha Ururka 64 aad guutada 7 aad ee qeybta 12 April Cali Cabdullahi Halac oo Howlgalka hogaaminayey ayaa sheegay in dhamaan goobihii nabadiidka ku dhibaateen jireen dadka shacabka la bur buriyey

Cali Cabdullahi Halac ayaa Xusay in ay sii wadi doonaan Howlgalada dalka looga saarayo Nabadiidka