Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degaano katirsan Gobolka Galgaduud, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga fuliyeen Dhul howd ah oo kuyaalla degaanka Cali Seer oo ku dhawaad 20 km dhanka Bari ka xiga degaanka Ceelhareeri oo hoostaga degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.
Waxaa ay sheegeen inay burburiyeen Saldhigyadii ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka Cali Seer, sidoo kalena howlgalka ay kudileen Xubno katirsan wallow aan faah faahin rasmi ah laga helin.
Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weeraro ka geystay degmada Galcad iyo degaannada hoostaga, halkaas oo kamid ah Goobihii ay Ciidamada dowladda kala wareegeen Al-Shabaab oo muddo tobanaan sano ah Maamulayay.