WARBIXIN:Deegaanka Shiiqaaleey ee hoostaga Caasimada Dhuusamareeb ayaa laga hirgaliyey Xarun Iskuul taasi oo ay iska kaashadeen Dadka Deegaanka iyo Masuul ka tirsan Maamulka Caasimada Galmudug.

SAWIRO:Deegaanka Shiiqaaleey ee hoostaga Caasimada Dhuusamareeb waxaa gaaray Masuuliyiin ka socda Dallada Kheyriga ah ee Baraarug sida Madaxa Waxabarashada iyo horumarinta reer miyiga ee Dallada Baraarug Macalin Cumar-siciid Cali Xaashi, Xoghayaha Dallada Baraarug Mustaf Salaad, Agaasimaha waxbarashada Caasimada Dhusamareeb Maxamuud Axmad Cali, Kormeeraha waxbarashada gobolka Galgaduud ee Wasaarada Waxbarashada Galmudug Farxaan Xasan Maxamuud iyo Masuuliyiin kale.
Ujeedka socdaalka Masuuliyiintaan ayaa daaranaa Daahfurka Xarun iskuul oo laga hirgalinayo Deegaanka Shiiqaaley taasi oo ay dhismihiisa iska kaashadeen dadka deegaanka iyo Xog-hayaha Caasimada Dhuusamareeb Mudane Cabdisalaan Caabi Aadam, dhanka kale Masuuliyiinta Dallada Baraarug Rural Development Organisation BARDO ayaa balan qaaday in iskuulkaani uu qeyb ka noqda xarumaha ay dalladu gacanta ku hayso ay ka taageeri doonaan agabka kala duwan ee Waxbarashada iyo Mushaaraadka Macalimiinta ayaga oo la kaashanaya Wasaarada Waxbarashada DGG.
Ugu horeyn waxaa madasha ka hadlay Gudoomiyaha iyo gudoomiye kuxigeenka Deegaanka Shiiqaaleey Ayagoona umahad celshay cid kasta oo ka qeyb qaadatay in deegaanka laga hirgaliyo xaruntan waxbarasho, si ay uga faa,iideystaan dadka kunool deegaanka yar iyo weynba.

Cumar siciid Cali Xaashi oo ah madaxa waxbarashada reer miyiga ee Dallada ayaa dadka deegaanka ugu baaqay iney ka faa iideystaan waxbarashada looogu keenay deegaankooda.

Agaasimaha Waxbarashada Caasimada Dhuusamareeb Maxamuud Axmad Cali iyo  Kormeeraha  Waxbarashada Gobolka Galgaduud ee Wasaarada Waxbarashada Galmudug Muande Farxaan Xasan Maxamuud ayaa dadka deegaanka Shiiq-qaaley ugu mahad celshay sida ay ugu heelan yihiin ka faa,iideysiga waxbarashada ayagoo u sheegay dad deegaankaan in ay Wasaarada Waxbarashadu diyaar u tahay garab istaagta qof kasta reer Galmudug ah oo doonayo in uu helo fursado waxbarasho.