Dawladaha Raashka iyo Somalia oo kala saxiixday heshiis dhanka Deyn cafinta

Dawladaha Raashka iyo Somalia oo kala saxiixday heshiis dhanka Deyn cafinta.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa Wasiir ku Xigeenka Maaliyadda Dalka Ruushka Md. Timur Igorevich Maksimov la saxeexday heshiis ay Dawladda Ruushku kaga dhaaftay lacag ka badan $684 million.

Saxiixida Heshiiskan ayaa qeyb ka ah dhammaystirka geediga dayn cafiska Dalka, Heshiiskaan oo soomaaliya aad ay muhiimad gaar ah u leedahay ayaa ka dhacay magaalada Saint Petersburg oo uu barri ka furmayo shir waynaha Dalalka Afrika iyo Ruushka oo ay ka qeyb galayaan wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac.