Maamulka Hirshabeele oo shir dib u heshiisiin ah u furay laba beelood oo walaalo ah.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa galabta deegaanka Burka Diirimeed ka daahfuray Shirka Dib u Heshiinsiinta Beelihii Walaalaha ahaa ee dhowaan dagaalamay deegaano hoos yimaada Degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle.
Shirkaan Dib u Heshiisiinta ah waxaa goob joog u ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Hirshabeelle, Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Maamulada Degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle, Imaam Daahir Imaam Maxamuud, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Waxgarad iyo Masuuliyiin kale.
Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Duubabka iyo waxgaradka Gogoshaan Nabadeed isugu yimid ku adkeeyay inay dhameeyaan colaada deegaanadaan ka jirta si bulshadu ay ugu noolaadaan nabad wadajir iyo walalnimo.